Wafdi Britain oo gaaray Hargeysa
- Axmed Saciid Cige
- BBC Somali
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Britain u qaabilsan horumarinta caalamiga, Grant Shapps, oo maanta socdaal gaaban ku tegay magaalada Hargeysa ayaa wadahadallo la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa .
Wafdiga UK oo ay ka mid ahayd safiirka Britain ee Soomaaliya, Harreit Mathews, ayaa war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland lagu sheegay in labada dhinac kala saxiixdeen deeq mashaariic la xidhiidha xagga horumarinta biyaha, korantada iyo ganacsiga oo dawladda Britain ka kaalmeysaa Somaliland, iyadoo loo soo mariyo deeqahaasi sanduuqa horumarinta Somaliland SDF.
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kulankaasi kaddib saxaafadda u sheegay in Somaliland u soo jeedisay wafdiga Britain sidii loo sii ambaqaadi lahaa wadahadallaadii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday.