Taariikhda doorashada Somaliland oo la shaaciyey

Somaliland
Qoraalka sawirka, Muran weyn ayaa ka taagnaa xilliga la qaban doono doorashada

Doorashada madaxweynaha Somaliland ayaa la qaban doonaa sanadkan soo socda ee 2015-ka, sidaas waxaa ansixiyey xildhibaannada Aqalka Wakiillada.

Cod aqlabiyad weyn ah ayaa arrintan lagu meel mariyay, kaddib markii xildhibaanada ay codkooda dhiibteen.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ansixiyay in doorashada madaxweyne ku xigeenka iyo tan baarlamaanka iyaguna la qabto isla xilligaasi.

Hase ahaatee weli xukuumaddu kama aanay hadlin go'aanka barlamaanka oo iyana lagu ansixiyey xeerka diiwaangelinta muwaadinka iyo codbixiyayaasha.