20 ku dhimatay weerarkii uu Shabaabku ku qaaday hoteel ku yaalla Muqdisho

  • Ibrahim Aden
  • BBC, Muqdisho
Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Jahwareer ka dhashay weerarka ka dhacay hoteelka Dayax

Qaraxyo iyo is-rasaaseyn saaka ka dhacday huteelka Dayax ee ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo warramayaa in ayku dhinteen ku dhawaad 20 qof.

Abaare sagaalkii aroornimo oo daqiiqado la 'a ayaa gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay dibadda hotelka Dayax oo ku yaala waddada Maka Al-mukarama, dabadeedna rag hubeysan ayaa ka dagay gaari kale daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay iyagoo u gudbay barxadda hotelka halkaas oo uu ka bilowday dagaal culus oo u dheexeeyay raga weerarka soo qaaday iyo illaaladdii hotelka.

Khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh ayuu geystay qaraxa koowaad, sababtoo ah halka uu hotelku ku yaalo waxa ka ag dhaw goobo ganacsi oo aad looga dukaamaysto iyadoo waddada uu hotelku ku yaalana ay gaadiid badan isticmaalayeen.

In cabaara markii ay rasaastu socotay ayaa gaari kale oo loo malaynayo inuu ahaa kii ay ka dageen raggii weerarka hotelka ku qaaday uu qarxay, waxana halkaasi ka dhashay khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawcba leh, waxana kamid ahaa dadka ku dhaawacmay qaraxa labaad ilaa todobo weriye oo u kala shaqeeya warbaahinada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga.

Hotel ka la weeraray waxa daganaa qaar kamid ah xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin.

Qaraxa Muqdisho
Qoraalka sawirka, Qaraxa Muqdisho

Dhimashada weerarkaasi uu dhaliyay ayaa la isku khilaafsanyahay iyadoo saraakiisha gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambalace ay sheegeen inay ku arkeen goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen maydad kabadan 20 qof.

Sida ay BBC-da u sheegeen ilo kala duwan guri ku dhaw hotelka oo isna uu qaraxu baabi'yay waxa ku dhintay labo odey dhaqameed oo caana oo ka soo jeeda deeganada konfur galbeed, kuwaas oo la kala yiraahdo Malaaq Malaboow Isaaq Xasan iyo Malaaq Cabdirashiid Sheekh cabdisalaaan, waxana sidoo kale ku dhaawacmay odey dhaqameedyo kale oo ay kamid ahaayeen , malaaq Xasan Buulle, Malaaq Yuusuf Cabdiyoow iyo Malaaq Shariif Muxiyadiin.

Ciidanka ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo afjaray howlgal uu ka waday gudaha huteel Dayax.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliydda weerarkii maanta lagu qaaday hotel Dayax

Injured man after Somali attack

Xigashada Sawirka, EPA

Weerarada Al-Shabaab ayaa sii kordhayay bilihii ugu danbeeyay , weerarkan maanta dhacay kii ka horeeyay waxa horaantii bishan lagu qaaday hotelka Peace, waxana ku dhintay dad kabadan toban qof.

Weerardan cusub ayaa imaanaya xili la isu diyaarinayo doorashada madaxweynaha oo dhawr jeer horey u dhacday.

Qoraalka Muuqaalka, Muuqaal: wadooyinka Muqdisho oo maalintii labaad xiran