Xildhibaan Cabdi Xaashi oo loo doortay gudoomiyaha Aqalka Sare

Xildhibaan Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare
Qoraalka sawirka, Xildhibaan Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare

Xildhibaan Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ku guuleystay doorashada gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Xildhibaanada codeeyay ayaa 52-xubnood ahaa. Xildhibaan cabdi xaashi wuxuu helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay, halka xildhibaanka la tartamaayay ee Mustaf Qodax na uu helay sagaal cod oo keli ah.

Cabdi xaashi waxaa kursiga kula loolamay Mustaf Qodax
Qoraalka sawirka, Cabdi xaashi waxaa kursiga kula loolamay Mustaf Qodax

Codeynta oo saaka dhacday waxaa lagu qabtay xarunta Aqalka sare ee Soomaaliya ee magaalada muqdisho.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo codeynaaya, waxaa gadaal ka muuqdo Ra'iisul wasaare Cumar cabdirashiid
Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah xildhibaanada oo codeynaaya, waxaa gadaal ka muuqdo Ra'iisul wasaare Cumar cabdirashiid

Sidoo kale, xildhibaan Abshir Maxamad Axmed ayaa loo doortay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Waxay illaa wareegga seddaxaad isla gaareen xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow oo markii dambe uu ka adkaaday.

Xildhibaan Abshir Maxamad Axmed
Qoraalka sawirka, Xildhibaan Abshir Maxamad Axmed

Xildhibaan Abshir ayaa helay 30 cod, halka Cabdi Axmed Dhuxulow uu helay 22 cod, iyadoo tirada codeynaysay ay ahaayeen 52 xildhibaan.

Gudoomiya ku xigeenka labaadna waxaa loo doortay xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad oo helay 28 cod, wuxuu ka guuleystay xildhibaan Cabdikafi Macalin Xasan oo helay 24 cod.

Doorashada inteysan billaaban sanetarro cusub ayaa goobta lagu dhaariyay
Qoraalka sawirka, Doorashada inteysan billaaban sanetarro cusub ayaa goobta lagu dhaariyay
Qoraalka Muuqaalka, Daawo sida codeynta ay u dheceyso

Muqdisho dhowaan waxaa lagu qabtay doorashada gudoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenadiisa.

Marka ay soo gaba gaboobaan doorashooyiinkan waxaa la filayaa in loo gudbo midda Madaxweynaha oo musharrixiin badan ay u tartamayaan.

Xarunta cusub ee Aqalka Sare ee sida ku meel gaarka ah uga howlgaali doonaan
Qoraalka sawirka, Xarunta cusub ee Aqalka Sare ee sida ku meel gaarka ah uga howlgaali doonaan

Xarunta Aqalka Sare ee cusub ayaa ah dhismo dhowaan la dhisay oo loogu talagalay in gabdhaha ay ku bartaan farsamada Gacanta.

Balse, Halkan waxay fariisin u noqon doontaa golaha Sanetka ee Soomaaliya si ku meel gaar ah, waxayna ka guuri doonaan marka meel loo dhiso.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: 'Musuq iyo handadaad' hareeyay doorashada Soomaaliya