Qaybina Kaadhadhka codbixinta Somaliland oo ka bilaabantay Sool, Sanaag

Kaadhka codbixiyaha Somaliland
Qoraalka sawirka, Kaadhka codbixiyaha Somaliland

Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa saaka ka bilaabay gobollada Sool iyo Sanaag bixinta kaadhadhka codbixiyaasha ee doorashada madaxtooyada la filayo in ay Somaliland ka dhacdo 13 Noofember 217.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa BBC-da u sheegay isaga oo hadda ku sugan magaalada Laascaanood in 177 goobood oo gobolka Sool ah ay saaka si rasmi ah uga bilaabantay kaadh-qaadashadu. Sidoo kalena waxa ay ka bilaabantay 173 goobood oo ku yaal gobolka Sanaag.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ku soo waramaya in jiidaha Sanaag bari ay qaadashada kaadhka codbixiyuhu ka bilaabantay degmada badhan oo keliya, laakiin se deegaanada Laasqoray iyo Dhahar aanay horeba diiwaangelini uga dhicin.

Kaadh qaadashada codbixiyaasha ayaa socon doonta saddex todobaad, waxaana gobolka Sool iska diinwaan geliyey codbixiyeyaal tiradoodu kor u dhaafayso 71,000 oo qof halka gobolka Sanaag na ay iska diiwaan geliyeen 85,000 iyo dheeraad.

Codbixiye kasta oo hore isu diiwaangeliyay waxaa kaadhkiisa loogu geynayaa goobtii deegaankiisa ahayd ee uu hore isaga diiwaangeliyay, taasoo uu doorashada kaga codeyn karo iyada oo keli ah.

Saddexda murashax ee doorashada madaxweynaha u taagan, Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali-Waraabe ayaa saddexdii maalood ee u danbeeyay olole ka waday jiidaha gobolka Sool iyaga oo galabtana gaadhay Ceerigaabo.

Hase yeeshee gudiga doorashooyinka ayaa uga digay xisbiyada olole aan xilligiisii la gaadhin.