Dab ka kacay caasimadda Jabuuti oo khasaara geystay

Dab ka kacay caasimadda Jabuuti

Dab xooggan oo ka kacay xaafadda PK 12 ee caasimada Djibouti ayaa la sheegay inuu qasaara badan ka dhashay oo ay guriya badan ku gubteen.

Ilaa iyo haddana waxaa naloo xaqiijiyey iney ilaa 10 guri ku gubteen.

Qaar ka mid ah dadki qasaaraha uu ka soo gaaray dabkaasi oo BBC u warramay ayaa sheegay guriyahooda iyo wiixi hanti ee dhex taallaynba ay dabkaasi ku gubteen.

"Masiiba kasta oo dhacda xagga Alle ayay ka timaaddaa dabkana guri ayuu ka kacay kaddibna guriyihi ku dhawaa ayuu ku sii fiday, ilaahaa mahad iska leh dowladda haddey soo gaari lahayn oo ay dabkaasi naga damni lahayn qasaaraha intaan wey ka sii badnaan lahayd" ayuu yiri Axmed Waberi Warsame.

"Qolooyinka dabdamiska haddii ay horay noo soo gaari lahaayeen guriyaha 19-ka ee gubtay iney qaarkood badbaadi lahaayeen ayaa laga yaabaa balse dabdamiska horay nooma soo gaarin, xilli dambe oo guriyaha dabka wada qabsaday ayey na soo gaareen, dad cid wax ku noqotayna ma jirto laakiin hani wixi aan hanti laheen wey ku baaba'een." ayey tiri hooya Madiino Suldaan uu guri ka gubtay.

"Dowladda Jabuutina waxaan ka codsaneyeenaa iney gurmad nala soo gaaraan oo guriyihi naga dumayna dib noogu dhisaan" ayey tiri.

Laba maalmood gudahood waa dabki labaad oo ka kacay, taliyaha waaxda dab daniska Jabuuti Maxamuud Cismaan Maxamuud wuxuu sheegay in dabka soo noqnoqday ay uga wacan tahay cimilada jabuuti oo ah mid aad u kulul maadaamaa xilli xagaa ah lagu jiro.

"Anaga wixi karaankannaga waan dadaalnay dabeysha socotay iyo guriyaha oo intooda badan ka sameeysan looxda iney dabka sii huriyeen gaadiidka aan wadannay iney meesha horay u gaaraanna wakhti ayey ku qaadaneysaa" ayuu yiri Maxamuud Cusmaan maxamuud oo ah taliyaha waaxda dabka damiska ee Jabuuti.

Sawirro ku saabsan qasaaraha dabka ka dhashay:

Dab ka kacay caasimadda Jabuuti
Dab ka kacay caasimadda Jabuuti
Dab ka kacay caasimadda Jabuuti