"Cadawgii qoryaha isku heystay ee is calmaday"

Gauri Malar and Roshan Jayathilake

In aad aragto Gauri Malar iyo Roshan Jayathilake oo ciyaarsiinaya gabadhooda oo 11 jir ah, uma maleyn kartid in 10 sano ka hor ay ka dhexeeysay cadaawad.

Gauri oo hadda 26 jir, waxay ka mid aheyd caruurtii ka tirsaneyd jabhaddii Tamil Tigers ee dagaalka kula jiray dowladda Sri Lanka halk Roshin uu ka mid ahaa ciidamada dowladda ee loo arkay "nidaamkii tacaddiga ahaa".

Waxay sheegtay Gauri in ciidamada dowladda ay ahaayeen dad xun oo dhibaato u geysan karo.

"Waxaan rumeysneyn inay ahaayeen dad xun oo na dilayo," ayay tiri Gauri.

Roshan waxaa uu dhankiisa sheegay in fallaagada aanan laga jecleyn dalka, waxaana socday howlgal socday muddo 26 sanno oo horseeday dagaallo sokeeye oo ay ku dhinteen shacab badan.

"Cadaawad ayaa naga dhexeeysay, hadda waan is guursannay, nolol farxad leh ayaan ku nool nahay, gabadha inoo dhalatay waa astaanta jeceylkeenna" ayuu yiri Roshan oo la hadlay BBC.

"Qof ka mid ah saaxibbadeen oo la dilay"

Dagaalkii Sri Lanka wuxuu bilawday sannadkii 1983-dii, markii jabhaddii gooni u goosadka ay dhaqdhaqaaq xornimo u dirir ah ay ka bilawday gobolka ay ku badan yihiin qowmiyadda Sinhalese halkaas oo weerar gaadmo ah lagu dilay 13 kamid ah ciidamada.

Weerarkaas wuxuu horseeday olole ka dhan ah fallaagadii Tamil, waxaana ka dhashay dhibaatadaas in ay ku dhintaan boqolaal qof oo ka tirsan qowmiyadaha laga tiro badan yahay.

Gauri dadkii dagaallamayay ayay ka mid aheyd balse waxaa uu isbeddel ku yimid bishii January ee sannadkii 2009-kii, markii loo sheegay in cagafcagaf uu darawal ka ahaa walaalkeed, Subramaniyam Kannan, lala beegsaday madfac.

Gabadhan, Gauri waxay sheegtay in hoobiyayaasha uu walaalkeed ku dhintay laga soo gannay deegaannada ay maamusho dowladda, waxaana lagu riday tuuladii ay deganaayeen waggaas oo ay ku xoogganaayeen jabhadda Tamil gaar ahaan deegaanka Vishwamadu oo ku yaalla waqooyiga Sri Lanka.

"Waxaan arkay dadka la tooganayo, mid ka mid saaxibeyda waxaa lala eegtay bambo oo ay ku dhaawacantay, si darran ayay u daawacantay," ayay tiri Gauri.

"Xitaa, ma heli karin wakhti aan ku qubeysanno oo aan ku cunteyno, mararka qaar waxaan is weydin jiray, sababta aan u noolahay".

Dagaal ayaa dhexmay ciidammada Sri Lanka iyo fallaagada Tamil Tigers

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dagaal ayaa dhexmay ciidammada Sri Lanka iyo fallaagada Tamil Tigers

Dagaalka ayaa ku fiday tuulada uu ka soo jeedo Roshan sannadkii 2004-tii, waxay fallaagadii ay ka tirsaneyd gabadha uu hadda guursaday weerarro ku qaadeen tuuladan ninkan oo ay ka socotay xaflad lagusoo dhaweynayay sannadka cusub.

Waxaa markii dambe ku xigay, weerarro bambooyiin ah oo lala beegsaday shacab iyo militariga.

"Maalinkasta waxaa dhacayay weerarro, dadka way naxsanaayeen, waxay cabsi ka qabeen in la dilo," ayuu yiri Roshan.

Waxaa la rumeysan yahay in dagaalladii Sri Lanka ee soo afjarmay sannadkii 2009-kii ay ku dhinteen 100,000 qof.

Sannadkii 2015-kii, Warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay ayaa lagu eedeeyay labada dhinac ee dowladda iyo falllaagada Tamil in ay geysteen dilal sharci darro ah.

Waxay sheegtay in laamaha ammaanka ay ka dambeeyeen dambiyada dagaal iyo tacaddiyo dhanka galmada ah taas oo fallaagada ku khasabtay inay dagaallamaan.

Qarmada Midoobey waxay sheegtay in dad ka badan 40,000 qof ay ku dhinteen dagaalladii sokeeyee ee Sri Lanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qarmada Midoobey waxay sheegtay in dad ka badan 40,000 qof ay ku dhinteen dagaalladii sokeeyee ee Sri Lanka

Gauri waxay dagaallameysay in ka badan bil, waxay dagaalka isaga hartay markii saraakiishii dagaalka hoggaamineysay ay fasaxeen markii uu ku dhacay "wadna xannuun". Wixii markaas ka dambeeyay waxay isu dhiibtay ciidamadii dowladda Sri Lanka.

Gabadhan waxey ka mid aheyd saraakiil horey uga tirsanaa fallaagada oo ay dowladdu u dirtay inay dhaqan celin u sameeyaan saraakiisha ka goosatay jabhadda.

Waxay muddo la qaadatay shacabka Sinhalese, waxay markii dambe ku biirtay laanta nabadgelyda dalkaas.

Dowladda waxay sameeysay barnaamij lagu caawinayo bulshooyinka ku nool waqooyiga dalkaas ee beeraleyda ah, waxaana deegannadaas ka mid ahaa degmada Udayankattu oo ah goobta ay ku kulmeen ninkan ay hadda is guursadeen oo horey uga kala tirsanaa dhinacyo uu dagaal ka dhexeeyay.

Gauri oo astaan ugu dhajineysa Roshan
Qoraalka sawirka, Gauri oo astaan ugu dhajineysa Roshan

Markii Gauri la geeyay deegaankaas sannadkii 2013-kii, Roshan waxaa uu ka mid ahaa ciidamadii halkaas sii joogtay muddo sannad ah, waxaana ku adkeyda inuu ku hadlo luqadda Tamil maadama gobolkaas ay degenaayeen bulshada Tamilka.

Waxaa uu la shaqeeyay Gauri oo inta badan ka caawin jirtay inuu fahmo luqadda Tamil maadama ay iyadu taqaannay.

"Waxaa uu dareemay cidlo, guriga ayaan cunto uga soo qaadi jiray," ayay tiri.

"Waxaan u sheegay in aan jeclahay," ayay tiri.

Ninka gabadhan guursaday, Roshan, waxaa uu yiri "Markii aan ku oran jiray waxaan aadaya fasax way ooyn jirtay, waxay dooneysay in aan helo lacag nolosheyda aan ku dabaro."

Roshan waxaa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah bulshadiisa ay ku oran jireen "halkan waxaa jooga gabdho badan oo u dhashay qowmiyadda Sinhalese...maxaa ula socotaa gabadh kasoo jeedda Tamil."

Khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay Sri Lanka
Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay Sri Lanka

Roshan hooyadii iyo Gauri walaasheed waxay kasoo horjeesteen guurkaas.

"Markii dambe xaaladdu way fiicnaatay" ayay tiri Gauri, waxay intaas ku dartay "Roshan hooyadii waxay geeriyootay iyadoo ku faraxsan guurkeenna.

Roshan iyo Gauri waxay aqal galeen sanndkii 2014-kii, waxay meesha ka saareen kala qeybsanaantii ka dhexeeysay, waxay noqdeen laamane aan kala maarmin.

Si kastaba, markii la weeraray kaniisado ku yaalla dalkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof, waxay lamanayaashan ka baqeen inay dib usoo laabato kala qeybsanaantii dalkaasi ka jirtay xilliggii dagaallada sokeeye.

"Uma baahnin dagaallo kale," ayay Gauri tiri.