Trump oo soo bandhigay naqshadda cusub ee diyaaradaha madaxtooyada Mareykanka

Mr Trump and his family touch down in Scotland

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday naqshadda cusub ee diyaaradaha madaxtooyada Mareykanka ee loo yaqaan 'Air Force One'.

Trump ayaa naqshadda cusub ee diyaaradahaasi madaxtooyada soo bandhigay xilli uu wareysi siinayay telefishinka ABC ee dalkaasi Mareykanka.

"Waxaa soo baxaya diyaaradaha Air Force One oo cusub," ayuu yiri Trump oo gacanta ku hayay sawirrada naqshadda cusub ee diyaaradahaasi oo lagu xardhay midabbada casaanka, caddaan iyo buluug.

Waa markii ugu horreysay oo dib loo naqshadeeyo dayaaradahani tan iyo xilligii madaxweyne John F Kennedy.

Dadka dhaliila madaxweyne Trump ayaa sheegaya in naqshadda cusub ee diyaaradahani madaxtooyada ay u egtahay diyaaradda uu khaaska u leeyahay madaxweyne Trump.

Diyaaradahani madaxtooyada Mareykanka ayaa ah laba diyaaradood oo isu eg, waxaana magaca Air Force One la siiyaa midda uu markaasi madaxweynaha raacayo.

DIYAARAD

Xigashada Sawirka, BOEING

Diyaaradahan oo ah nooca Boeing 747s ayaa la isticmaalayay ku dhowaad soddon sano. Waxaana diyaaraddiiba ay ka kooban tahay saddex dabaq, daaqado aysan xabbadu karin, xarumo caafimaad iyo meel cunnada lagu kariyo oo halkii mar ay cunno ka cuni karaan qiyaastii boqol qof.

Labadani diyaaradood ee cusub ayaa waxaa ku bixi doona kharash gaaraya 3.9 bilyan oo doolar, waxaana ay hawlgali doonaan marka uu madaxweyne Trump xilka banneeyo.

Madaxweyne Trump ayaa sheegaya in diyaaradahan cusubi ay aad uga weyn yihiin kuwa ay hadda madaxtooyada Mareykanka isticmaasho.

"Anigu waxaan arrintan u sameynayaa madaxweyneyaasha iga dambeeya ee ma ahan mid aan anigu ku daneysanayo," ayuu yiri Trump.

Diyaaraddii ugu horreysay ee Air Force One ee uu isticmaalay madaxweyne Dwight Eisenhower ee sanadkii 1959 ayaa midabkeedu ahaa casaan iyo dahabi isku jira.

Balse madaxweyne John F Kennedy ayaa midabkaasi ka badalay oo ka dhigay midka haatan la isticmaalo ee buluugga iyo caddaanka ah.

Madaxweyneyaasha waddamada Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa iyaguna sidoo kale isticmaala diyaarado leh midabka casaanka, caddaan iyo buluug.

Astaan muuqata

DIYAARAD

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tobanaankii sano ee la soo dhaafay diyaaradda Air Force One waxa ay ahaayeen kuwo madaxweyneyaasha Mareykanka lagu geeyo meesha uu doono iyo sidoo kale astaan muujineysa awoodda siyaasadeed ee Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu xukunka la wareegay waxa uu doonayay in wax kastaa uu dib u habeyn ku sameeyo iyo xitaa in uu gacanta ku dhigo maamulka diyaaradaha Air Force One.

Balse khubarada dhanka duulimaadyada ayaa sheegaya in arrintaasi ay tahay mid la yaab leh maadaama madaxweyne Trump uusan lahayn khibrad dhanka diyaaradaha ahi.

Dib u naqshadeynta uu haatan sameeyay waxaa durbaba ka xanaaqay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaakna dalkaasi, waxaana si gaar ah ay u dhaliilsan yihiin midabka uu doortay madaxweyne Trump.

Balse khubarada dhanka duulimaadyada ayaa sheegaya in ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne Trump uusan soo faragelin arrimaha ammaanka ee diyaaradahani oo uu ku ekaaday oo kaliya midabka diyaaradahani.

Ogolaanshaha aqalka koongareeska

DIYAARAD

Dib u naqshadeynta diyaaradaha madaxtooyada ayaa timid ka dib markii xubin ka tirsan guddiga baarlamaanka ee arrimaha gaashaandhigga uu soo jeediyay in hindise-sharciyeed cusub oo wax looga badalo sharciga haatan jira si madaxweyne Trump uusan wax uga badalin naqshadda diyaaradahani isaga oo aan ogolaansho ka haysan aqalka Koongareeska.

Joe Courtney oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa sheegay in sharcigaasi uu yahay mid muhiim ah, gaar ahaanna marka laga eego dhanka dhaqaalaha.

"Rinji dheeraad ah oo la mariyo diyaaraddaasi ayaa kordhinaya culeyska ama miisaanka diyaaradahani. Waxyaabaha kale ee dheeriga ah ee lagu darayo ayaa sidoo kale waxaa ku baxaya kharash dheeraad ah," ayuu yiri Joe Courtney.

Bradley Bryne oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa hindisahaasi ku gacan seyray wuxuuna sheegay "daandaansi ka dhan ah madaxweynaha."

Ilaa iyo haatan ma kala cadda in hindisaha Courtney lagu soo dari doono hindise-sharciyeedka dhanka arrimaha gaashaandhigga, kaa oo u baahan ansixinta inta badan xubnaha aqalka koongareeska.

Staff working space on Air Force One, pictured in 1990

Xigashada Sawirka, Getty Images

Trump oo ka jawaabayay su'aal ahayd in diyaaradahani cusub ay leeyihiin meelo khaas ah oo haddii cilladi timaado ama shil laga bixi kara ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid sir ah oo aysan ahayn in ay soo bandhigaan.