Faqiirkii lo’da digada ka guri jiray ee sahanka u tagay dayaxa

Dr Annadurai oo hor taagan dayax gacmeedka Chandrayaan-1

Xigashada Sawirka, Pallava Bagla/Getty

Qoraalka sawirka, Dr Annadurai oo hor taagan dayax gacmeedka Chandrayaan-1

"Waxaan ahaa qof guri jiray digada lo'da ka hor inta aan waxbarshada bilaabin balse waxaan u adkeysan waayay urka kasoo bixi jiray digada" ayuu yiri Dr Mylswamy Annadurai

Dr Mylswamy Annadurai ma helin waxbarashadii la rabay si uu u gaaro yoolkiisa.

Waxaa uu kamid yahay seynisyahanada bartay cilmiga cirbixiyeenka ee ugu sarreyo dalka Hindiya, waana ninka ka dambeeyo guulaha uu dalkaas ka gaaray sahanka loo tegay dayaxa iyo meeraha Mars.

Saddexdii sano ee ugu horreysay wuxuu waxbarashadiisa kusoo qaatay meelo kala duwan oo uu dhibaato kusoo maray, sida geed hoostiis.

Haddaba, sidee ayay ugu suurogashay inuu culuumta teknooloojiyadda ka gaaro meel sare?

Sahankii hore

Dr Mylswamy Annadurai markii uu ahaa 8 sano jir, xitaa ma uusan heysan Kabo uu xirto, gurigii uu ku noolaana koronto la'aan ayuu ahaa.

Annadurai oo la sawirran ardeyda ay Iskuulka isla dhigan jireen

Xigashada Sawirka, Annadurai

Qoraalka sawirka, Annadurai oo la sawirran ardeyda ay Iskuulka isla dhigan jireen

Lixdameeyadii, Mareykanka iyo Midowgii Soviet waxay ku taratamayeen sahanka dhanka cirka ama hawada.

Hindiyana waxay waagaasi billowday inay u jiheysto sahanka hawada, waxay dayax gacmeedkii ugu horreeyay hawada u dirtay 21-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1963-dii balse tallaabadaas wax saameyn ah kuma yeelan nolosha shacabka dalkaasi.

Annadurai waxaa uu wakhtigaas ku noolaa tuulada Kodhawady oo ku taalla koonfurta gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya, markaasi oo ay shacabka Hindiya ku adkeyd inay helaan waxbarashada dhanka caafimaadka iyo teknooloojiyadda.

Ardeyda maskaxda fiican

Dhibaatadii dhaqaale ee lasoo deristay Annadurai kama hor istaagin in uu heer sare ka gaaro waxbarashadiisa, waxaa uu jeclaa maaddooyinka seyniska iyo xisaabta balse waxa uu necbaa taarikhda.

Annadurai (dhexda), waxaa uu la taagan yahay walaalahiis

Xigashada Sawirka, Annadurai

Qoraalka sawirka, Annadurai (dhexda), waxaa uu la taagan yahay walaalahiis

"Aabahay, waxa uu igu oran jiray sababta loo barto maaddada taariikhda ay tahay sidii dunida aad uga dhigi laheyd taarikhda" ayuu BBC-da u sheegay Annadurai.

Aabaha dhalay Annadurai waxaa uu ahaa macalin Iskuul, waxaa uu sidoo kale ahaa 'Dawaarle', howlahan si weyn ayuu ugu maareeyay nolosha qoyskiisa.

Waggaasi, wiilkan aabihii, kama uusan war heyn in wiilkiisa uu waxbarashada ka gaari doono heerkan.

"Markii aan 12 sano jir ahaa, waxaan helay deeq waxbarasho oo loogu talagalay ardeyda kasoo jeedo qoysaska saboolka ah" ayuu yiri Annadurai.

Dr Mylswamy Annadurai waxaa uu ka mid ahaa ardeydii ugu horreysay ee kaalimaha sare ka gashay natiijadii waxbarshada ee degmada, waxayna taasi ka caawisay inuu helo lacago badan oo loo siiyay deeq waxbarasho.

Sidii uu nolosha ula soo daalaa dhacay

Ka hor inta uusan Dr Mylswamy Annadurai bilaabin waxbarashadiisii kuliyadda Injineernimada, laanta hawada ee dalka Hindiya waxay dayax gacmeed u dirtay iyada oo taageero ka heleysa Ruushka sannadkii 1975-tii.

Annadurai horraantii Siddeetamaadkii

Xigashada Sawirka, Annadurai

Qoraalka sawirka, Annadurai horraantii Siddeetamaadkii

Afar sanno kaddib, isku daygii ugu horreeyay ay Hindiya ku dooneysay inay hawada ugu dirto dayax gacmeed lagu sameeyay gudaha dalkaasi ayaa guuldareystay.

Annadurai waxaa uu laanta daraasaadka hawada dalkaasi ku biiray horraantii sannadkii 1980-kii.

Waxaa uu ku hadli jiray luqadda Tamil, waxaa ku adkeyd luqadaha Ingiriiska iyo Hindiga, waxaa uu yiri "Dadka waxay ku qosli jireen qaabka aan ugu hadli jiray luqadda Ingiriiska" ayuu yiri Annadurai.

Dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee uu hagaajiyo Annadurai waxaa uu gaaray 400 kiilomiitar balse ma gaarin goobtii la qorsheeyay, waxaa uu ku dhacay gobolka Bay Bengal ee dalkaas.

Gaaristii dayaxa

Dr Annadurai waxaa uu garwadeen u ahaa laanta sahanka hawada ee dalka Hindiya oo inta badan dhaqan gelisa barnaamijyada sahanka iyo sadaasha hawada ee ku aadan tallaabooyinka ay gaaran cirbixiyeenada.

Sannadkii 2003-dii, Dr Annadurai waxaa uu waday qorshe uu ku doonayay inuu isaga tago shaqadii uu ka hayay laanta sahanka hawada ee Hindiya balse markii la maqlay ayaa waxaa loo dalacsiiyay inuu hoggaamiyo sahankii ugu horreeyay ee dayaxa.

Annadurai waxaa uu sheegay in barnaamijka sahanka hawada ay caawiyeen beeraleyda Hindiya

Xigashada Sawirka, Annadurai

Qoraalka sawirka, Annadurai waxaa uu sheegay in barnaamijka sahanka hawada ay caawiyeen beeraleyda Hindiya

"Qorshaheenna waxaa uu yahay in aan sahan ku gaarno goobaha aanan horey loo gaarin, waxaan dooneynaa in aan soo ogaanno biyaha laga heli karo dayaxa iyo sida ay ku yimaadeen halkaasi" ayuu yiri.

Hindiya oo dayax gacmeed sannadkii 2008-dii dirtay ayaa lagu ogaaday in biyo ay ku jiraan dayaxa.

Warbaahinta Hnidiya ayaa si weyn u hadal heysay guushaasi, balse dadka qaar ayaa dowladda ku eedeeyay in lacago badan loo adeegsaday tallaabadaas halka malaayin qof ay biyo la'aan yihiin.

Sahankii Meeraha

Sannado kaddib,Annadurai waxaa uu hoggaaminayay sahankii ugu horreysay ay Hindiya dayax gacmeed ugu dirto meeraha Mars.

Dayax gacmeedka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dayax gacmeedka

"In la gaaro dayaxa, Satarlaaytkeennu waxaa uu baahan yahay inuu ilbiriqsigiiba uu gaaro masaafo dhan 1 kiiloomiitar, si aan u gaarno Meeraha Mars waxaan u baanahay in ilbiriqsigiiba uu ku socdo 30 kiiloomiitar, waxaa loo baahan yahay qorshooyin wax ku ool ah iyo xisaab kulul" ayuu yiri Annadurai.

Hindiya waxay ku qaadatay 10 bilood iyo bar in dayax gacmeed ay u dirto meeraha Cas, waxaa ku baxay sahankaas $73m oo doolar.

Dayax gacmeed ku sawirran lacagta Hindiya

Xigashada Sawirka, RBI

Qoraalka sawirka, Dayax gacmeed ku sawirran lacagta Hindiya

Caqabadaha jiri karo mustaqbalka

11 sanno kaddib markii Hindiya ay dayax gacmeedkii ugu horreeyay u dirtay hawada, waxaa dhacay isbaddallo.

"Waxaan u baahan nahay in aan dadaal muujinno, waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u kobcin laheyn dayax gacmeedkeena" ayuu yiri

Hindiya oo ka shaqeyneysa horumarinta dayax gacmeed

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Hindiya oo ka shaqeyneysa horumarinta dayax gacmeed

Baarnaamijyada sahanka hawada ee laga sameeyay Hindiya ayaa laga gaaray guulo dhif iyo naadir ah inkasta oo ay dowladda taageereyso, waxay guulaha ay gaareen Hindiya ka dhigtay dal awood ku leh dhinaca horumarada teknooloojiyadda.

Sida uu ku caanbaxay

Dr Annadurai waxaa uu doonayay inuu arko sahankii labaad ee dayaxa oo lasoo gabagabeeyay balse waxaa uu howlgab noqay bishii July ee sannadkii 2018-kii.

Waxaa uu hoggaaminayay guddi Qaramada Midoobey ka socday oo dusha kala socday howlaha cirbixiyeenada muddo 2 sanno ah, waxaa uu ku guuleystay abaal marinno caalami ah iyo mid gudaha ah.

Waxaa uu sidoo kale noqday qofkii saddexaad ee la siiyo 'shahaado sharaf' ee ka tirsan daowladda Hindiya.

Dr Annadurai oo dusha kala socda howsha dayax gacmeedka

Xigashada Sawirka, Annadurai

Qoraalka sawirka, Dr Annadurai oo dusha kala socda howsha dayax gacmeedka

Dr Annadurai waxaa uu boqdaa tuuladii uu kasoo jeeday, waxaa uu uruuriyaa lacago dayactir looga sameynayo Iskuulkii uu wax kasoo bartay.

Taariikhda

Dr Annadurai waxaa ku socdaa gaari yar, waa nin deggan, waxaa uu sheegay in nolol sarreysa iyo inuu helo lacag badan uusan weliggi dan isaga dhigin.

Dr Annadurai oo la sawiran qoyskiisa

Xigashada Sawirka, Annadurai

Qoraalka sawirka, Dr Annadurai oo la sawiran qoyskiisa

"Markii aan ka shaqeynayay fulinta mid kamid ah sahanka dayax gacmeedka, waxaan ku oran jiray saaxibadey in aan dhigi doono taariikh" ayuu yiri Annadurai.

Taariikh nololeedkiisa waxaa uu ka qeyb yahay manhajka Iskuul ku yaalla gobolka uu kasooo jeedo ee Tamil Nadu.