Corona fayras: Dilka Bing Liu oo dhaliyay shaki

Bing Liu

Xigashada Sawirka, University of Pittsburgh

Presentational white space

Dilka arxan darada ahaa ee loo geystay cilmi-baare ku dhashay Shiinaha oo hadda baaritaan ku hayay corona fayras ee lagu toogtay Mareykanka, waxay ka dhashay fikrado ku saabsan shirqool sir ah inuu ahaa kuwaas oo daafaha caalamka ku baahay.

Bing Liu, oo 37 sano jir ahaa, wuxuu ahaa barfasoor wax ka dhiga Jaamacadda Pittsburgh, qeybteeda Caafimaadka, waxaana isagoo mayd ah laga helay gurigiisa, Sabtidii.

Saaxiibbadiisa waxay xaqiijiyeen "inuu si wayn ugu dhowaaday in uu wax badan ka ogaado fayraska Covid-19", taas oo sababtay in dadka ay soo hadal qaadaan in la dilay.

Balse booliska waxay sheegayaan inuu ahaa is dilid.

Maxay tahay sababta uu u dhintay Liu?

Waxaa la helay isagoo mayd ah, waxayna xabad uga dhacday madaxa, qoorta iyo caloosha, wuxuuna dhexyaalay gurigiisa oo ku yaalla duleedka Pittsburgh, sida ay booliska sheegeen.

Qofka dilka geystay waxaa la sheegay inuu yahay 46 sano jir ah injineer dhanka software-ka ahaa oo lagu magacaabo Hao Gu. Maamulka waxay sheegayaan in dilkaas ka dib uu ninkaas isna is ku dhex dilay gaarigiisa.

Liu iyo Gu way is garanayeen, sida ay baarayaasha sheegeen.

Baarayaasha dhanka dembiga waxay sheegeen in "dilka uu yahay mid dhexmaray laba qof oo saaxiibbo ahaa".

Waxay xaqiijiyeen in "caddeyn oo dhan aan loo hayn" in kiiska uu la xiriiro shaqada cilmi-baaris ee dawada corona iyo dhbaatada hadda jirta ee uu hayay Liu.

Kumuu ahaa Liu?

War qoraal ah oo ay soo saareen saaxiibbadii ee shaqa wadaagga ahaayeen, waxay ku tilmaameen Liu inuu ahaa cilmi-baare aad u aqoon badan kaas "oo ku dhowaaday inuu arrimo wax ku ool ah ka ogaado fayraska" oo ku saabsan fahamka la xiriira caabuqa Covid-19.

Waxay ka murugeysan yihiin geerida Liu, waxayna ballanqaadeen in ay dhameystiri doonaan baaritaankiisa "si bog muhiim ah loo siiyo baaritaankiisa seyniska ee muhiimka ah".

Liu, oo Shiinaha ka soo jeeday, Wuxuu shahaadadiisa koobaad ee jaamacadda iyo PhD ka qaatay jaamacad ku taalla Singapore, ka dib ayuu u wareegay Mareykanka oo baaritaanno uu ka sameynayay.

Sida ku xusan Taariikhdiisa Shaqo, wuxuu la shaqeynayay dhakhaatiirta bayoolojiga iyo baarayaal kale si uu wax uga ogaado habka difaaca jirka aadanaha.

Mexey sheegayaan dadka ka shakisan in shirqool uu ahaa dilka?

"Allahayow," ayuu qoray qof Shiinaha u dhashay oo isticmaala barta Bulshada dalkaas ee Weibo wuxuuna yiri: "Tan waxay u muuqataa wax la xiriira filimka Mission Impossible. Waxaa suuragal ah inuu ogaaday in fayraska uu ka yimid shaybaar Mareykanka uu leeyahay."

Farriimo taa la mid ah oo badan ayaa lagu sheegay in Liu loo dilay inuu shaaca ka qaadi rabay meesha uu ka soo farcamay fayraska adduunka albaabada u laabay.

Dowladda Shiinaha iyo warbaahinteeda waxay horey u sheegeen arrimo aan la caddeyn karin oo ah in fayraskan uu Mareykanka billaabay, ayna Wuhan geeyeen ciidamadiisa.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala Weibo waxay sheegayaan in kiiska "loo ekeysiiyay wax iska dhacay".

"Waa kiis aan caadi ahayn oo horey aan loo arag. Waxay u badan tahay in ay jirto sir qarsoon oo mugdi ku jirta," ayuu yiri qof ra'yigiisa dhiibtay.

Dadka qaar waxay sheegayaan in maadaama uu ka soo jeeday Shiinaha ay taas sababtay halista uu ku wajahay Mareykanka, in kastoo aan arrintaa caddeyn loo haynin.

Global Times, oo ah bog lala xiriirinayo dowladda Shiinaha waxaa lagu qoray warbixin faafineysa warar kala duwan oo la xiriira geerida Liu.

Qoraalka Muuqaalka, Sida ugu fudud ee aad ku ogaan karto in aad qabto cudurka CoronaVirus

Dhanka barta Twitter, dadka qaar waxay ku baahinayaa waxyaabo aan weli la ogeyn oo la xiriira in ay suuragal tahay in dowladda Shiinaha ay dhacdada lug ku leedahay.

Fikrado aan la xaqiijin karin oo iska soo horjeeda ayaa gedaamay halka uu asal ahaan ka yimid fayraska Covid-19. Fikradahaas waxay ku baaheen baraha Bulshada iyo internet-ka. Sidoo kale arrimo aan la xaqiijin karin ayey si wayn u buunbuuniyeen siyaasiyiin iyo warbaahin Mareykanka iyo Shiinaha ay leeyihiin.

Presentational white space
bb
bb