Su'aalo ka dhashay Amiir ka tirsan boqortooyada Ingiriiska iyo nin dambi weyn loo haystay

Xiriirka Amiirka iyo Jeffrey ayaa noqday mid si weyn caalamka iyo dalka Britain looga hadal haya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xiriirka Amiirka iyo Jeffrey ayaa noqday mid si weyn caalamka iyo dalka Britain looga hadal haya

Ninka maalqabeenka ahaa ee Jeffrey Epstein oo isku dilay xabsi dhexdii, isaga oo wajihi lahaa dacwad la xiriira tahriibinta dumarka jirkooda ka ganacsada iyo shirqoolla kale ayaa waxaa soo ifbaxay inuu ninkaasi uu xiriir aad u dhow la lahaa qoyska boqortooyada Britain.

Jeffrey Epstein oo ahaa ninka xidhiidhka aadka u dhaw uu ka dhaxeeyey amiir Anderw waxaa lala xidhiidhiyey inuu gabdhaha yaryar oo aan qaan gaarin u uu tahriibin jiiray si ay jirkooda ugu ganacsadaan.

Haddaba Amiir Andrew oo 59 jir oo ah da'da labaad ee boqorad Elizabeth, marki la shaaciyey muuqaal uu kula jiro Jeffery ayey warbaahinta Britain billaabeen iney Amiirka weydiiyaan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Jeffery oo ay ku socotay dacwadda kiis aad u culus.

Dambiyada lagu helay

Jeffrey Epstein waxaa 2008 lagu riday xukun, iyada oo marki dambana lagu soo oogay dacwad ah tahriibinta dumarka si ay jirkooda ugu ganacasadaan ka hor inta uusan xabsiga dhexdiisa isku dilin .

Wargeyska The Mail ee dalka Britain ka soo baxa ayaa boggiisa hore ku daabacay sawirka Jeffrey Epstein iyo Amiir Andrew sawir ay iskula jiraan.

Muuqaalka wargeyska uu sawirradan ka soo qaatayna waxaa la sheegay inuu yahay mid la duubay 2010-ka oo ah laba sana kaddib marki Jeffery dacwaddi ugu horreysay lagu helay.

Gal dacwadeedka

Maalqabeenka hore ee gacantiisa isku dilay dacwadda ku socotay 2008-dda waxay ku soo gabagabowday xukun lagu riday kaddib marki lagu helay dambi ah inuu tahriibinta dumarka jirkooda ka ganacsado uu ku shaqo leeyahay.

Hase yeeshee, xukunki lagu riday ninkaasi oo ay hay'adaha garsoorka Mareykanka isku khilaafeen ayaa keentay inuu xabsi daa'imki uu muteysan lahaa uu ka badbaado.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa si weyn u cambaareysay dacwadda ay hay'adaha garsoorka laaleen maadaamaa uu dambiga uu galay Epstein uu ahaa ,mid aad u culus, FBI waxay iyaduna sii wadatay baaritaankeeda si ay u hesho dhibbanayaal iyo markhaati cad oo arrintan ka qayb qaadatay.

Amiir Andrew iyo Jeffrey Epstein oo kulmay inta uu socda kiiska dacwadda Jeffery lagu helay

Xigashada Sawirka, News Syndication

Qoraalka sawirka, Amiir Andrew iyo Jeffrey Epstein oo kulmay inta uu socda kiiska dacwadda Jeffery lagu helay

Kumuu ahaa Jeffrey Epstein?

Jeffrey Epstein wuxuu ku dhashay magaalada New York wuxuuna ahaa macallin inta uu maalqabeen noqon. Inta dambiyada loo haysto lagu soo oogin wuxuu ahaa nin caan ku ahaa maalkiisaa iyo xiriirada ganacsi uu leeyahay.

Wuxuuna ahaa ninkaasi nin xiriirkiisa ganacsi uu u fududeeyey in shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Mareykanka ee hadda Donald Trump, Madaxweynihi hore Bill Clinton iyo Amiir UK Amiir Andrew uu la kulmo.

Wargeyska New York oo soo xiganaya madaxweyne Trump wuxuu Epstein uu ku tilmaamay "Shaqsi cabsi badan". Balse sanadkan wuxuu Mr Trump uu sheegay "inuusan ahayn taageerada Epstein".

Ninkan oo ahaa maalgeliye hore dhammaan lacagihi akaawunkiisa ugu jirtay wuxuu ku shubay akaawunka sanduuqa 1953, sida ay sheegeyso nuqul warqadda dardaaranka ninkaasi oo waregeyska New York Post lagu daabacay, wuxuuna warqadda dardaaranka uu saxiixay 8-dda August.

Balse meelna laguma sheegin cidda deeqdaasi lacageed ka faa'ideysaneyso, lacagahaasi oo isugu jira $56 milyan oo doolar oo caddaan ah, hanti ma guurta ah oo u dhiganta $14 milyan oo doolar iyo $18 milyan oo doolar oo gaadiid iyo hanti kale lagu qiimeeyey.

Eedda Virginia ee Robert

Muuqaalka la baahiyey ka sokoow waxaa sida oo kale la helay sawir 2001-dii laga qaaday Amiirka Britain oo gacanta haysta Virginia Robert, waxayna Robert ay maxkamad ku taallo Mareykanka ay ka furtay kiis ka dhan ah Amiirka oo ay ku sheegeyso inuu u galmooday xilli ay da'deedu ahayd 17 jir, iyada oo isbarashadoodana uu sabab u ahaa Jeffrey Epstein.

Hase yeeshee, qasriga Buckingham ee boqortooyada Ingiriiska ayaa eedda ku gacan seyrtay, waxayna gaashaanka u darooreen dacwadda maxkamadda.

Amiir Andrew waaxaa dhashay boqorad Elisabeth

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amiir Andrew waaxaa dhashay boqorad Elisabeth

Haddaba wargeyska oo diidmada boqortooyada ka jawaabaya ayaa muuqaalkaasi baahiyey maalinti Axadda.

"Su'aalaha jawaabaha u baahan"

"Diidmada ay carada ku jirto ma aha mid soconeyso" wargeyska oo barnaamijka Newsnight ka qayb galay, wuxuuna telefishiinka BBC u sheegay iney jiraan "Su'aalo Jawaabo u baahan."

"Arrintan waa arrin xasaasi ah. Waxayna noqon doontaa mid saameyso Amiirka iyo Qasriga Buckingham."

Qoyska boqortooyada Britain oo munaasabad ka qayb galayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qoyska boqortooyada Britain oo munaasabad ka qayb galayo

Epstein maxaa lagu soo eedeeyey?

Epstein waxaa lagu soo eedeeyey inuu gabdhaha yaryar oo ay da'dooda ka hooseyso 18 jirka uu galmo la sameeyey iyo inuu tahriibiyey inta u dhaxeysay 2002 - 2005.

Waxaana xabsiga loo taxaabay 6-da July isaga oo diyaaraddiisa qaaska ah safar ku tagay New Jersey. Wuxuuna sida oo kale diiday dacwadda la xiriirta heshiisyo uu 2008-ddi si khaldan u galay, iyada oo marki dambe lagu helay dambi aad u yar.

Xeer-ilaaliyayaashu waxaa kale oo ay Epstein ku eedeeyeen inuu lacaga badan siiyey laba qof oo kiiska dacwadda loo haysto oo lagu wado iney sanadka dambe billaabato uga markhaati furaan.