Nin ay wiilkiisa nasiib darro ku dhacday oo gacantiisa ku aasay 25,000 oo meyd

Mohammad Shareef at his home

Xigashada Sawirka, Mohd Shabbir

Qoraalka sawirka,

Shareef says burying others has helped him to come to terms with the sorrow of not giving a burial to his own son

"Maalin maalmaha ka mid ah waxaan arkay booliska oo meyd ku tuuraya wabiga. Waan argagaxay," ayuu yiri Mohammad Shareef.

"Maalintaas ayaan nafteyda ku dhahay, laga billaabo maanta aniga ayaa dad u ah meydadka la dayacay waxaana u sameyn doonaa aas sharaf leh."

28-kii sano ee lasoo dhaafay, Shareef wuxuu ilaalinayay ballantaas, isagoo ku xasuusanaya wiilkiisa, oo ku dhintay isku dhacyo dhex maray Hinduuga iyo Muslimiinta, meydkiisana la waayay.

Ninkan oo caan ka ah magaalada Ayodhya ee waqooyiga Hindiya, dadka ku nool magaaladaasna ay u yaqaannaan "Adeer", ayaa u warramay BBC-da.

Aaska iyo gubitaanka

Mohammad Shareef levelling a grave

Xigashada Sawirka, Mohd Shabir

Qoraalka sawirka,

Shareef wuxuu sheegay inuu ehel u noqdo meydadka dad la'aanta ah

Ninkan ma yaqaanno tirada dadka uu aasay ama uu gubay. Madaxa maamulka degmada Ayodhya, Anuj Kumar Jha, ayaa BBC-da u sheegay inaysan tiro rasmi ah ka heynin meydadka lagu wareejiyay Shareef, kaddib markii cid kale oo soo sheegata la waayay.

"Tirada qiyaasta ah ee aan u maleyneyno inaan ku wareejinnay waa ilaa 2,500 oo meyd," ayuu yiri. Shareef qoyskiisa waxay sheegeen inuu aas sharaf leh u sameeyay in ka badan 5,500 oo ruux. Hase yeeshee Warbaahinta Hindiya waxay gaarsiiyeen tiro aad uga badan intaas oo ah inuu aasay 25,000 oo ruux.

Meydadka aan lasoo sheeganin way kala duwan yihiin. Qaarkood waa dad ku dhintay shilalka gawaarida ama tareennada halka kuwo kalena ay yihiin dad ku dhintay meelo ka fog guryahooda, sida kuwa soo xajiya, kuwa qaxootiga ah iyo dad waayeel ah oo ay carruurtooda dayaceen.

Qaar kalena waa dad sabool ah oo isbitaallada ku dhinta iyagoo aan heysanin cid daryeesha.

.

Xigashada Sawirka, Shadab Ahamad

Qoraalka sawirka,

Mohammad Shareef wuxuu aas u sameeyay dad ay booliska ku qiyaaseen 2,500

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa meydadka aan lasoo sheegin aasa iyagoo kaashanaya hay'ado aan dowli ahayn iyo dad isu xilqaamay sida Shareef oo kale, laakiin waa shaqo aan cidna loogu mahadnaqin.

Ninkan shaqadiisa cajiibka ah waxay soo ifbaxday markii magaciisa lagu soo daray dadka la guddoonsiinayo abaalmarinta qaranka, taasoo uu dhawaan guddoomi doono.

Adeer Shareef, abaalmarintaas waxay u tahay heerkii ugu sarreeyay ee uu gaaray.

Wiilkiisa la waayay

Isaga hooyadiis waxay geeriyootay waxyar kaddib markii uu dhashay, waxaana soo korsaday ayeydiis iyo awowgiis, kuwaasoo aan u awoodi karin inay dugsi u diraan.

Mohammad Rais,

Xigashada Sawirka, Mohd Shabbir

Qoraalka sawirka,

Sharif wiilkiisa, Mohammad Rais, waxaa lagu dilay rabshadihii Hinduuga iyo Muslimiinta dhex maray 1992

Wuxuu shaqo billaabay isagoo aad u da' yar, markaasoo uu bartay sida baaskiilka loo kaxeeyo.

Laakiin wuxuu nin bushada u shaqeeya noqday isagoo dhowr iyo konton jir ah, kaddib markii ay musiibo shakhsi ah ku dhacday.

"Kaddib markii la waayay wiilkeyga, muddo bilooyin ah ayaan ka raadiyay meel walba, sida qof waalan ayaan u doon doonayay".

Rabshadihii Hiduuga iyo Muslimiinta

Shareef wiilkiisa oo 25 jir ahaa, Mohammad Rais, waxaa lagu dilay rabshadihii Hinduuga iyo Muslimiinta dhex maray sanadkii 1992-kii, kuwaasoo gilgilay magaalada Ayodhya iyo guud ahaan waddanka Hindiya.

Shareef iyo xaaskiisa

Xigashada Sawirka, Mohd Shabbir

Qoraalka sawirka,

Shareef wuxuu sheegay in xaaskiisa Bibi aysan waligeed kasoo kabanin niyadjabkii ay ka qaadday geerida wiilkooda

"Booliska waxay ii sheegeen in meydkiisa aan la arkin. Waxaan aragnay dharkiisii oo kaliya".

Dadka heysta diinta Hinduuga - oo ay hoggaaminayeen xubnaha xisbiga talada hayay ee Bharatiya Janata - ayaa bishii December ee sanadkii 1992-kii burburiyay masaajid qarnigii 16-aad laga dhisay magaalada Ayodhya.

Waxay arrintaas horseedday isku dhacyo dhiig badan ku daatay oo dhexmaray Hinduuga iyo Muslimiinta ku nool waqooyiga Hindiya, halkaasoo ay ku dhinteen boqollaal ruux oo aan waxba galabsanin.

Yaa dilay wiilkeyga?

Ilaa maanta, Shareef ma hubo meesha wiilkiisa lagu dilay iyo sida loo dilay toona - ama xitaa ciddii dishay.

.

Xigashada Sawirka, Mohd Shabbir

Qoraalka sawirka,

Kaddib markii magaciisa lagu soo daray abaalmarinta sare ee shacabka, waxaa u hambalyeeyay saraakiisha sar sare ee maamulka degmada

"Waxay ila tahay in wiilkeyga meydkiisa lagu tuuray wabiga, sida meydadkii kale la yeelay oo kale," ayuu yiri Shareef oo hadda 80 jir ah.

Xilligaas degmooyin badan oo Hindiya ku yaalla ma aysan lahayd meelo meydadka lagu keydiyo. Wax iska caadi ah ayey ahayd in meydadka aan lasoo sheeganin si deg deg ah loo tuuro.

Aaska ayaa sida habboon ah, laakiin degmooyin badan oo ku yaalla waqooyiga Hindiya waxay meydadka aan lasoo sheeganin ku ridi jireen wabiga, si ay u badbaadiyaan kharash iyo wakhti.

Geerida Rais waxay saameyn weyn ku yeelatay waalidiintiisa, hooyadiisna ilaa maanta way miyir la'dahay.

Go'aan

Xilligii uu muruga geerida wiilkiisa qabay ayuu Shareef wacad ku maray inuu aas u sameyn doono qof walba oo dad la'aan noqda.

Shareef standing next to a funeral pyre

Xigashada Sawirka, Mohd Shabbir

Qoraalka sawirka,

Dadka Hinduuga ah waa la gubaa marka ay geeriyoodaan

"Waxaan go'aan ku gaaray in qof dambe oo ku dhinta degmadeyda aan wabiga lagu tuurin,2 ayuu yiri.

Wuxuu booliska u sheegay ballanta uu qaaday, wayna soo dhaweeyeen.

'Wuu waashay'

Xubnihii qoyskiisa iyo eheladiisaba waxay aad ula fajaceen wacadka uu maray.

.

Xigashada Sawirka, Mohd Shabbir

Qoraalka sawirka,

Shareef dhiirrigalin aad u yar ayuu ka helay qoyskiisa kaddib markii uu go'aanka qaatay

"Ma jirin qof ka mid ah qoyskeyga oo arrintaas ku faraxsanaa xilligaas. Waxay igu dhaheen, waad waalatay"

Dadkii deegaanka ayuu kala kulmay dhaleeceyn. Inkastoo uu Muslim yahay, wuxuu aas gubitaan ah u sameyn jiray dadka Hindiiga ah.

"Dadka qaar way iga cabsanayeen, waxayna u maleynayeen inay jeermis qaadayaan haddii ay i taabtaan", ayuu yiri.

Marka uu dadka aasayo wuxuu soo xasuustaa wiilkiisa.

"Mar walba isaga ayaan ka fakaraa. Waan u xiisay."

.

Xigashada Sawirka, Mohd Shabbir

Qoraalka sawirka,

Shareef wuxuu sheegay inuu dhaleeceyn kala kulmay bulshada, howsha uu hayo darteed

Qof walba wuxuu ku aasaa diintiisa.

"Mar kasta oo ay boolisku iisoo wacaan inaan meyd la wareego, wax kasta oo aan hayo waan kasoo tagaa".

Inta badan wuxuu meydadka la wareegaa muddo dheer kaddib marka uu qofku dhinto, sababtoo ah waxaa wakhti la sugaa in lasoo sheegto.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Meydadka qaarkood wuxuu la kulmaa iyagoo qurmay.

Muddo kaddib dadku waxay garwaaqsadeen muhiimadda ay leedahay shaqada uu hayo.

"Dadku waxay igu amaanaan inaan qofka u aaso sidii inuu qoyskeyga ka tirsanaa".

Dadaal kalinimo ah

Shareef muddo 10 sano ah ayuu kaligiis u taagnaa howshan, isagoo aan garab ka helin dowladda ama hay'adaha aan dowliga ahayn toona.

.

Xigashada Sawirka, Shabir

Laakiin hadda dukaanleyda maxalliga ah ayaa siiya lacago u dhaxeeya $150 ilaa $170 doolar.

Ma jirto cid baddaleysa

Awooddiisa jir ahaaneed hadda way sii daciiftay, laakiin ma jirto cid uu howshiisa uga tago. Waladiisa wiil ee nool iyo carruurta uu awoyga u yahay midna ma doonayaan inay shaqadiisa la wareegaan.

.

Xigashada Sawirka, Mohd Shabbir

"Waxay dhahaan hadduu awoowe sameynayo ha sameeyo, iyaga diyaar uma aha inay shaqadan soo galaan."

Wuxuu Shareef ka shaqeeyaa meheraddiisa baaskiillada lagu dayactiro, taasoo uu maalintii ka helo lacag dhan $3 doolar.

Iskawad uun

Sidaasoo ay tahay, kama nasan karo shaqada aaska meydadka dad la'aanta ah, waayo wuu ogyahay waxa dhacaya haddii uu joojiyo howshaas.

"Waan iska wadi doonaa shaqadan ilaa ay neefta ugu dambeysa iga baxdo," ayuu yiri.