Madaxweyne Muuse Biixi: "Mucaaradku sidii doobkii ayuu tuhun dilay"

Muuse Biixi

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland

Madaxdweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbiyada muraacadka ah ay tuhunsan yihiin inuu muddo xileedka dheeraysan rabo, balse aanu taa sharci u haysan.

Isagoo xalay magaalada Ceerigaabo kula hadlay waxgaradka iyo madaxda dhaqanka gobolka Sanaag, ayaa Madaxweynhuhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dibedbixii 9-kii June ka dhacay Hargeysa.

Waxa uu ka warramay sababta keentay in xukuumaddiisa ay mucaaradka u oggolaan weydo inay qabsadaan mudaharaad nabdoon, sida ay ku doodeen hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarad.

"Waraaq wargelin ah ayay soo qoreen, waxaa la yiri isu-key keena, wayna ka xanaaqeen oo waxba nooma oggola oo way na meer-meerinayaan bay dhaheen. Dhibaato aynaan u baahnayn baa ka dhacday. Hadday dad ku dhaawacmeen, hadday xarig tahay, hadday buuq tahay," ayuu yiri Madaxweyne Muuse.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen taageerayaashiisa dibedbaxayay, ilaa haatanna ay xiran yihiin mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, isagoo intaa raaciyay in dunida ay caadi ka tahay in la isku maan-dhaafo arrimaha doorashada.

Hogaamiyayaasha mucaaradka

Xigashada Sawirka, Cabdiraxman Cirro

Doodda Muuse

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dafiray inuu doonayo in doorashada madaxtinnimada Somaliland ay ka dib dhacdo 13-ka November, sidaana loogu kordhiyo muddo xileedkiisa.

"Ma doonayo naaneys la yiraahdo waa loo kordhiyay oo wuu sii dheeraaday. Markii hore hadh cad baanu tartannay anaga iyo mucaaradku, iminkana kuwa soo bixi doona hadh cad baan la tartamayaa," ayuu yiri Muuse.

Waxa uu si faahfaahsan uga hadlay arrinta khilaafka abuurtay ee ah furista xisbiyada, taasoo uu ku dooday inay tahay mid aan la dhaafi karin oo dastuuri ah.

"Marka hore waa in xisbiyo ay soo baxaan tobankii sano ba mar oo dadkii tobanka sano xirnaa ay soo galaan, sharcigeeduna waa dhan yahay. Haddii xisbiyada la dhameeyo tii kalena way taagan tahay. Qeyladan iyo buuqan ayaa sii daahinaya [doorashada madaxtinnimada]. Doorasho jiitanta xageyga ka iman mayso," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mucaaradka ayaa diidan inay dhacdo doorasho xisbiyada lagu furayo oo ka hor marta tan madaxweynaha ee loo asteeyay 13-ka November.

Kulamo dhowr ah oo Madaxweynaha iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ay arrintan ka yeesheen ayaa natiijo la'aan ku dhammaaday.

Xisbiga Waddani ayaa ku hanjabay haddii aan la sii deyn mas'uuliyiinta ka xiran uu mar kale abaabuli doono dibedbaxyo nabdoon, isla markaana aanu ka qeyb geli doonin wadahadal lala yeesho xukuumadda.

Dalalka daneeya arrimaha Somaliland ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda taagan, iyagoo dhinacyada ugu baaqay inay is xakameeyaan.

Beesha Caalamka