Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya qaabka xoolo dhaqashada casriga ah iyo kan Soomaalida

Dr Diirshe

Xigashada Sawirka, Facebook/Dr Diirshe

  • Author, Xuseen Xuska
  • Role, Weriye BBC

Soomaaliya xoolaha la dhaqdo ayaa kaalimaha u horreeya kaga jira marka la eego dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, iyada oo horay inta ugu badan dadka ay u ahaan jireen kuwo Miyiga ku dhaqda xoolaha ama ay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Waayadii dambe dadku waxa ay u soo hayaameen magaalada, haba kala duwanaatee duruufta ku khasabtay in ay magaalooyinka yimaadaan.

Dr Cabdimajiid C/weli Diirshe waxaa uu ka mid yahay dhalinyarada waxbartay ee hadda ku nool gudaha Soomaaliya, laakiin jecel inuu wax badan ka beddelo nolosha iyo habka xoolaha loo dhaqdo ee guud ahaan dalka.

Waxa uu bartay cilmiga caafimaadka xoolaha, iyada oo ay u dheer tahay inuu xoolo dhaqato yahay. Waxaa uu xubin ka yahay sida uu sheegay ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed, sidoo kalana waa macallin jamacadeed oo kulliyada xanaanada xoolaha wax ka dhiga.

Waxaa uu ku soo gudbiyaa baraha bulshada caafimaadka xoolaha, dhaqashadooda iyo abuurka dalagga muhiimka u ah inay quutaan.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayuu ku leeyahay goobo uu ku dhaqdo xoolaha sida Ariga, iyada oo sida uu sheegay Miyigana uu Geel u joogo.

Xirfaddiisa Dhakhtarnimo ayuu sidoo kale ku shaqeystaa iyada oo baraha bulshada uu dadka ugu soo bandhigo cudurada xoolaha iyo habka loo daweeyo, taasi oo dhiirigalin u noqotay in dad badani ay kala soo xiriiraan dhibaatooyinka haysta xoolaha ay dhaqdaan iyo sida ugu haboon ee ay xal ugu heli karaan.

''Waxa ugu weyn ee igu dhiirigaliyay waa bulshadeena oo xoolo-dhaqato ah, waxaana marka xooluhu ka xanuunsadaan ay aadaan farmashiyayaal oo marka ay dawooyin ka qaataan dad aan cilmi u lahayn ay keento cuduro kale oo ay ka qaadaan, taasi oo keentay in dadka aan tuso meelihii xoolaha dawada laga siinayay, inta maalmood ee ay qadanayaan, inta aan caanahooda iyo hilibkooda la cuni karin, taasi oo keentay dad badana ay ila soo xiriiraan'' ayuu yiri Dr Diirshe.

Soomaaliya ayuu sheegay in khayraadka koowaad ee dalku leeyahay uu yahay xoolaha, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada inay u soo jeestaan , ayna bartaan kulliyadaha xanaanada xoolaha iyo beeraha.

''Xoolaha waa isha dhaqan-dhaqaalaha dalkeena, waana in la fahmo halka aynu joogno iyo adduun-weynuhu meesha uu la jaan qaadayo'' ayuu yir Dr Diirshe.

Dr Cabdi Majiid ayaa isaga oo ka sheekaynaya sida uu ku bilaabay xoolaha uu hadda dhaqdo wuxuu sheegay inuu lacagtiisa ku gatay oo aanu dhaxal u helin.

''Marka aad miyiga tagtid waxaad arkaysaa nin haysta 200 oo neef oo geel ah oo ugu yaraan 50 u dhaleen iyo dhowr tiro oo Ari ah oo haddana ka gaajaysan, taasi waxa ay igu dhiiragalisay in aan tuso bulshadeena 'ninkii 10 halaad leh oo maalgaliya, masruufkiisa iyo noloshiisa ayuu ka helaya, marka loo eego kan 100 halaad leh ee ka gaajaysan'' ayuu yiri Dr Cabdi Majiid.

Ka hor inta aanu baran cilmiga xanaanada xoolaha ayuu sheegay inuu jeclaa, uuna dhiirigalin ka sii helay waalidkiisa, iyada oo aabihiisna uu yahay dhakhtar cilmiga beeraha.

Goobaha casriga ee xanaanada xoolaha ayuu Dr Diirshe sheegay in Ariga uu ka kharash yar yahay Geela oo u baahanaya dhaqaale badan si loogu sameeyo dhulkii, biyihii iyo cunaddii la siin lahaa, taasina ay keentay in Geelliisa uu Miyigu u joogo.

Ido la naaxiyey

Xigashada Sawirka, Facebook/Dr Diirshe

Habka casriga ee loo dhaqo xoolaha iyo Faa'dooyinka uu la kulmay

Waxaa uu sheegay dhakhtarku in farqi weyn u dhaxeeyo habkii hore ee xoolaha dhaqanka u ahaa iyo sida casriga ee hadda loo dhaqo, iyada oo qaabkii hore uu ahaa xoolaha in la iska daba socdo.

''Waxaa arkaysaa nin 200 oo Ari ah leh oo ka gaajaysan oo adiga ku dhahaya kabo ii gad ama haaf bariis ah ii iibi, laakiin hadda habka casriga xoolihii nidaam beer ah ayaa loo sameynayaa xoolihii halkaasi ayay ku jirayaan, baadkoodii iyo biyahoodiina waad siinaysaa, xoolihiina waa noolaanayaan, adigana waad nasanaysaa. Laakiin qaabkii hore waxaa uu ahaa qaab xoolihii la iska dabagalayo oo abaar haddii ay dhacdo iyaga oo dhan ay baaba'ayaan, waana habka bulshadeena aan tusayo inay ka gudbaan'' ayuu yiri Dr Diirshe.

Maadaama uu dhakhtarku ka mid yahay xoolo-dhaqatada casriga, waxaa uu inooga warramay faa'iidada uu ka helay intii uu bilaabay dhaqashadooda.

''Illahay baa mahad leh faa'iido badan baan ka helay intii aan xoolo dhaqashadan ku soo jiray, waana sababta aan bulshadeena ugu soo bandhigo oo aanan uga xaasidin oo aan u dhihin kaligaa faa'iidadaada qarso, oo aan u tuso, wax walba haddii qorshe ay leeyihiin ay talaabo talaabo u qaadi karaan oo ay ka faa'iidi karaan'' ayuu yiri Dr Diirshe.

Waagii hore ayuu sheegay dadku inay la yaabi jireen oo ay u arki jireen nin aan waaqica fahansanayn.

''Ka dib markii aan caddeymo tusay oo xoolihii muddo yar isku beddeleen, hadday caano ahaan lahayd gaar ahaan neefafka kan xareysan iyo kan foofay sida caanahoodu u kala duwan yihiin waa qanceen, falcelin fiican oo 90 boqolkiiba ayaan hadda ka helaa'' ayuu yiri.

Dad badan ayuu sheegay inuu dhiirgalin u noqday ayna bilaabeen qaarkood xoolo iyo beero inay sameystaan.

Muxuu yahay hammigiisa

Yoolkiisa ugu weyn ayuu sheegay Dr Diirshe inuu yahay bulshada Soomaaliyeed oo fahanta hab dhaqashadooda xoolaha iyo dhallinyarada xafiisyada raadinaya iyo kuwa baagamuundada ah inay xirfadaha bartaan oo xanaanada xoolaha ay fahmaan.

Dhanka kale muuqaalada uu baraha bulshada uu soo dhigo ayaa qaar kamid ah dadku siyaabo kala duwan uga falceliyaan, haddaba waxaa uu ka jawaabayaa cilmiga uu ku saleeyay muuqaal uu ku soo bandhigay laba neef oo Ari' ah oo kala caano badan.

''Waxaan ku saleeyay labada neef mid waa nasanayaa oo dalagii uu cunay kuma socon oo tamar badan ma lumin, waxaana uu sameynayaa caano badan iyo hilib. Waana tusay iyada oo caddeymo ah, neefkii xareysnaa waxaa laga lisay maalinkii koombo caano ah, kii baxayayna wax lagu caddeysto xataa ma lahayn. Labadii neef waan kala baddalay kii xareysnaa oo baxay iyo kii caano yareeyay oo nastay, tijaabada waxaa iiga soo baxay kii markii hore caanaha badnaa inuu caana yareeyay markii banaanka loo saaray, kii kale ee caddeyska laga waayayna uu markii dambe caano batay.

Tobankii sano ee u dambaysay oo uu howlahan xoolaha ku soo dhex jiray ayuu sheegay inuu ka kororsaday dadka reer Miyiga cilmiga ay xoolaha u leeyihiin, ayna ka dhiman tahay habkii ay u mari lahaayeen daweyntooda.

Waxaa ay ku dhiirigalisay sida uu sheegay hammigiisa wax ka bedelka hab dhaqashada xoolaha inuu soo saaro buug uu ugu magac daray daryeel iyo daaqsin oo ku aadan daweyntii iyo dhirtii xoolaha loo beeri lahaa.

''Bulshadeena haddii la wacyigaliyo oo awoodooda kor loo qaado wax badan ayaa iska beddeli kara. Waagii hore markii aan warbaahinta soo galayay dadku aad ayay iila yaabanayeen markii ay arkaan xoolo la qalayo iyo kuwa la daweynayo, laakiin hadda aad ayay iila socdaan, waxa ay aaminsan yihiin in xoolaha qofkii fahansan uu wax ka keeni karo'' ayuu yiri Dr Diirshe.