Golaha midowga musharaxiinta oo farriin u diray madaxwayne Farmaajo

Qaar ka mid ah xubnaha midowga musharaxiinta

Xigashada Sawirka, TQS

Qoraalka sawirka,

Qaar ka mid ah xubnaha midowga musharaxiinta

Golaha midowga Musharaxiinta madaxwaynanimada ayaa waxay uga digeen xildhibaanada golaha shacabka inay ku dhaqaaqaan tallaabooyiin wax looogu dhimayo geedi socodka Doorashooyiinka dalka.

Golaha ayaa bayaan ay soo saareen waxay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyeen in uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan heshiis kama danbeys ah oo laga gaaro doorashooyinka dalka.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxay madaxwaynaha ugu baaqeen in gabi ahaanba uu faraha kala baxo arrimaha doorashooyiinka islamarkana uu baneeyo xafiska uu "sida sharci darada ah ku joogo".

Kaalinta rai'sul wasaaraha

Golaha midowga musharaxiinta ayaa waxay ku baaqeen in raisul wasaare Rooble uu la wareego hanaanka doorashada iyo arrimaha ammaanka.

Daahir Maxamuud Geele oo ka mid ah midowga musharaxiinta madaxwaynanimada oo BBC la hadlay ayaa sheegay inay doonayaan in rai'sul wasaaha uu qaato kaalintiisa.

"Waxaan ugu baaqaynay rai'sul wasaaraha kaalintiisa in la siiyo oo ku aadan qabashada dorashooyiinka iyo la wareegidda hanaanka ama hay'adaha ammaanka," ayuu yiri Mr Geele.

Daahir Maxamuud Geele

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,

Daahir Maxamuud Geele

Mr Geele ayaa dhanka kale ka digay in golaha shacabka ku dhaqaaqaan tallaabooyiin la mid ah tii ay mudda kordhinta ugu sameeyeen madaxwayne Farmaajo.

Daahir Maxamuud Geele ayaa ku eedeeyay golaha shacabka in ay masuul ka yihiin dhibaatooyiinkii maalmihii u dambeeyay dalka ka dhacayay.

"Golaha shacabka ayaa sabab u ahaa ama qeyb ka ahaa arinkii baryihii dambe meesha ka dhacayay oo ahaa korarsiimo been ah, tallaabooyiinkaas iyo mid la mid ah ayaan uga digeynay madaama uu mudda xileedkoodi dhamaaday," ayuu yiri.

Daahir maxamuud Geele ayaa carabka ku adkeeyay in waxa ay doonayaan ay tahay in la qabto doorasho taasina ay tahay waxa ay dowladda ka sugayeen muddo 4 sano ah.

"Wax qalalaas oo aan kicinayno ma laha anagu doorasho ayaan rabnaa, doorashadaas ayaan u taagnayn 4 sano ka sugaynay, qarawga siyaasadeed mid la mid ah in uusna dhicin ayaan sugaynaa marka baarlamaanka la isugu tago," ayuu yiri Mr Geele.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muddo kordhinta labada sano

12-kii April, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay u codeeyeen in hay'adaha dowladda loogu daray muddo laba sano ah, si doorasho qof iyo cod ah ay u dhacdo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla markiiba soo dhoweeyay sharcigaas, oo abuuray qeylo iyo dhalleeceyn aad u badan oo kaga timid mucaaradka, dowlad goboleedyada qaar iyo beesha caalamka.

n kastoo cambaareyntaas iyo hanjabaado cunna-qabateyn ay jireen, haddana Madaxweyne Farmaajo wuxuu saxiixay sharcigaas isla maalintii la ansixiyay ee 12-kii April.

Waxaa arrintaas si adag uga soo horjeestay musharrixiinta mucaaradka ee Muqdisho ku sugan, waxaana ka dhashay dhaqdhaqaaqyo ciidan. Qaar ka mid ah militariga oo la sheegay in ay ka soo bexeen furimaha dagaalka ayaa galay caasimada, waxaana dhacay dagaal, 25-kii April.

Magaalada ayaa kala xirantay, waxaana bilowday barakac. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey, illaa 100 kun oo qof ayaa ka qaxay Muqdisho, labadii maalmood ee dhaqdhaqaaqa uu jiray.

Ka dib, Ra'iisul Wasaare Roobe, iyo madaxda maamullada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan taageersaneyn muddo kordhinta, waxayna ku baaqeen doorasho. Waxaa arrintaas daba socday khudbadii madaxweynaha ee uu ku sheegay in arrintaas uu dib ugu celinayo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Haddaba, Markale miyuu Golaha shacabka ka noqon doonaa go'aan uu gaaray? Muxuuse noqon doonaa nooca heshiis ee doorasho lagu gali doono? Waxay kala cadaan doontaa ka dib kullanka la filayo ee maanta.